Haween rabshado ka cararay oo magaalo u gaar ah sameeystay

0
262

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Intii lagu jiray rabshadihii hubaysnaa ee in kabadan nus qarni ka socday Colombia, isla mar ahaantaana dhiigga badani ku daatay ee u dhexeeya jabhadaha iyo milletariga wadankaasi ayaa ku qasbay ku dhawaad sideed milyan oo qof inay guryahooda ka cararaan.

Xaafad sabool ah oo ku taal magaalada xeebta leh ee Cartagena, koox haween ah oo barakacayaal ah ayaa go’aansaday inay dhistaan.

Waxay samaysteen Ururka Haweenka barokacay waxayna 2003 bilaabeen inay dhisaan tuuladan si iskaa wax u qabso ah iyagoo ugu magacdaray: Magaaladii Haweenka.

Magaaladan, oo u dhaw gobolka Turbaco, ayaa laga sameeyey 100 guri, oo ay dumarka isugu tegey gacmahooda ku dhisteen.

Intii lagu guda jirey rabshadihii hubaysnaa, kufsiga iyo waxyeellaynta dumarku waxay ahayd waxa ugu weyn ee laga biqi jirey. Dumar badan oo tuuladaas ahi waa kuwo ka soo badbaaday rabshadahaas.
Sidoo kalena waxay sheegeen inay soo dhawaynayaan dumarka ku nool degaammada ay ka jiraan dilka, kufsiga isla mar ahaantaana dumarka ula dhaqmaan si xun.
Halganka ay soo galeen ayaa mideeyey oo ka dhigay inay noqdaan awood iskaabta oo si weyn u wada shaqeeya. Caadooyinka iyo bulshooyinka u daran dadka soo barakacay weli waxay ka jiraan meelo badan oo dalkaas ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here