Halista feyriska ee Shiinaha ka dilaacay oo sii kordhaysa

0
563

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Faafidda feyriska ku dhaca neef mareen ayaa si xawli ah ugu sii fidaya dalka Shiinaha, waxaa sidaasi ka digay madaxwaynaha Shiinaha Xi Jinping.

Mdaxwaynaha ayaa kulan degdeg ah isugu yeeray sarakiisha dowladda xilli dalkaasi looga dabaaldagayo snadka cusub ee Shiinaha ee Lunar.

Dalka waxa uu wajahayaa “Xaalad qalafsan” waxaa uu Mr Xi sidaasi u sheegay saraakiisha sarsare.

Feeriska ayaa waxaa ilaa iyo imika u dhintay ugu yaran 56, halka uu guud ahaan Shiinaha uu soo ritay dad gaaraya 2,000.

Waxaa aqlabiyada dadka uu cudurkan soo ritay ay ku nool yihiin magaalada Wuhan.

Seynisyahano ayaa sheegaya in dowladda Shiinaha laga doonaya in ay dhinto heerka isu gudbinta feeriskan faraha ba’an ku haya dalkaasi ee neef mareenka ku dhaca %60 waa haddii ay tahay in cudurka la joojiyo.

Digniintan ka timid xarunta xakamaynta cudurada ee UK ayaa imanaysa xilli ay dowladda Shiinaha ku dhawaaqday in tirada dhimashada cudurkan ay sii koradhay.

Mas’uuliyiinta waddanka Shiinaha ayaa joojiyay adeegyadii diyaaradaha iyo tareennada ee magaalada Wuhan – oo ah magaalo ay ku nool yihiin 11 malyan oo ruux – waxaana sidoo kale la hakiyay gaagiidkii dadweynaha ee ka dhex shaqeynayay gudaha magaalada.

Cudurkan oo hadda loo yaqaanno 2019-nCoV, waxaa la aaminsan yahay inuu yahay nooc caabuq ah oo ka mid ah xanuunka coronavirus, kaasoo aan horay loogu arkin bani’aadanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here