Gudoomiyaha Degmada Buurhakaba ee Gobalka Baay oo Booqaday Kawaanka iyo Suuqa Qudaarta

0
347

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Iyadoo Laga Taxa darayo Xaalada Caafimaad ee Dadka Deegaanka ayaa waxaa Gudoomiyaha Degmada Buur Hakaba Abdi Maxamed Ahmed Wuxuu kormeer ku sameyey suuqa quduurta lagu Iibiya kawaanka Hilibka ee Degmadaasi

Kormeerida Gudoomiyaha ayaa waxaa uu ku saabsanaa sidii u xaqiijin lahaa haalada dhabta ah ee ay ku shaqeyaan dadka qutul daruuriga ka raadsada iibinta hilibka ayidoo kawaankana uu ahaa mid ay si weyn uga muuqatey burbur Xoogan Maadaama mudo aan wax dayactir ah helenin

Yacquub Maxamed Adan oo ah Madaxa kawaanleyda Degmada Buur Hakaba ayaa Warbixin ka Siiyay Gudoomiyaha Daruufaha Adag ee dhabta ah ee ay ku shaqeeyaan Ayagoo dalbadeen in dacyatir Looga Sameeyo kawaanka Hilibka.

Warkan Waxaa noo heysa Maryan Macalin Abshir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here