Giriigga oo Luxembourg u raray carruurta muhaajiriinta ah ee aanay cidna la socon

0
252

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Dowladda Giriigga ayaa bilowday inay dib u dajiso carruur aanay cidna wehlin oo ku sugnaa xeryo ay muhaajiriin buux dhaafiyeen oo dalkaas ku yaal.

12-kii canug ee ugu horreeyay ee ay da’doodu u dhaxaysay 11 ilaa 15 ayaa waxaa dib loogu dajiyay waddanka Luxembourg iyagoo laga qaaday jasiiradaha Lesbos, Samos iyo Chios.

Giriigga ayaa qorshaynaya inuu ku dhawaad 1,600 oo carruur taag daran ah uu u raro dalalka kale ee Yurub kuwaas oo iskood u martigelin doona, xilli uu socdo xanuunka dunida aafeeyay ee coronavirus.

Xeryaha Giriigga waxaa ku nool in ka badan 5,000 oo carruur ah oo aanay cidna la socon.

Kooxaha u dooda xuquuda ayaa waxa ay ku baaqayaan in carruurta taagta daran looga dhex tago xeryaha ay sii kordhinayso halista ah inay qaadaan cudurka Covid-19.Dhowr iyo tabankaas carruurta ah ee dib u dajinta loo sameeyay ee ka soo kala jeeday Suuriya iyo Afgaanistaan ayaa waxa ay Arbacadii ka baxeen garoonka diyaaradaha ee Athens, halkaas oo wasiirka socdaalka ee Giriiggu uu ku siiyay hadiyo xusuus ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here