Garoonka Magaalada Muqdisho oo laga Bilaaway Olole Dadka Looga Baarayo Cudurka Corona virus.

0
321

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta Magaalada Muqdisho gaar ahaan Garoonka diyaaradaha Caalami ah ee Aadan Cadde ka bilowday Olole looga hortagyo Cudurka Coronavirus oo ka dilaacay dalka Shiinaha.

Wasaaradda Caafimaadka Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta Garoonka Adan Cadde geysay qalabka  dadka looga baaro Cudurka Coronavirus iyo dhaqaatiir Caafimaad, iyagoo bilaabay baaritaano la xiriira Cudurkaas.

Cudurka ayaa waxaa laga baarayaa dadka kala duwan ee ka soo degaya Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, isla markaana ka yimaada dalalka kala duwan ee Caalamka, si looga hortago halista ka imaan karta Cudurkaas.

Dad badan oo u dhashay dalka Shiinaha ayaa u geeriyooday Cudurkan halista ah eek a dilaacay dalkaas ee loo yaqaano Coronavirus, waxaana weli u jiifa  boqolaal dad ah oo uu soo ritay.

Inta badan Wadamada Caalamka ayaa bilaabay inay ka hortagaan Cudurka, waxaana Garoomada diyaaradaha la dhigay qalabyo Caafimaad oo lagu baarayo dadka kasoo degaya Garoomada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here