Ganacsatada Yar Yar Ee Degmada Baydhabo Oo Shegeen In Ay Jiraan Suuq Xumo.

0
275

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Cali Macalin Cabdi waxaa uu ka mid yahay dhalinyarada ganacsiyada yar yar ku leh suuq weynaha degmada baydhabo ee xarunta gobolka,waxaa uu gaari yar usaaran dharka caruurta iyo kuwa dada ah.

Ganacsadey Cali Macalin inta degmada baydhabo uusan kafuranin miiskaani yar, waxaa uu kazoo shaqeeyay gobolka bari halkaasi oo in mudo ah kusoo nolaa, waxaana uu sheegay in markii hore uu amisanaa in halkaasi kaga fiican tahay degmada baydhabo, kadib markii degmada baydhabo dib ugu soo laabtay ayaa waxaa uu sheegay in ka nolal ahaan uu ku qaboobay degmada baydhabo.

Cali inkastoo uusan aheyn ganacsatada waa weyn ee magaalada muqdisho iyo magaalooyinka ka keensadaan wax yaabahay ay ka ganacsadaan ayaa hadana waxaa uu sheegay in uu ka faa`ido wax yaabahan saran miiskiisa.

Ganacsaday Cali Macalin ayaa sheegay in suuqa maalin ama bilkasta wax iska bedela ayaa sheegay in maalmahaani ay jiraan suuq xumo oo aan jirin dadkii dharka gadan jireen.

Halka hoose ka dhageyso codka 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here