Frank Lampard oo ka hadlay dhaawacyadii xalay soo gaaray xiddigaha Kovačić iyo Willian

0
337

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Macalinlka kooxda kubadda cagta Chelsea ee Frank Lampard ayaa kaddib guushii ay xalay ka gaareen naadiga Liverpool, wuxuu si gaar ah kaga hadlay dhaawacyadii soo gaaray xiddigihiisa Mateo Kovačić iyo Willian.

Frank Lampard ayaa wareysi uu xalay bixiyay kaddib guushii ay kaga gaareen 2-0 kooxda Liverpool kulankii FA Cup-ka wuxuu sheegay in dhaawaca Mateo Kovačić uu u muuqdo mid ka halisan kan ka soo gaaray saaxiibkiis Willian dhanka lugta ah.

Chelsea ayaa u gudubtay wareega siddeed dhamaadka ee koobka FA Cup kaddib markii ay ku garaacday kooxda Liverpool oo marti ugu aheyd garoonka Stamford Bridge 2-0,  kulankii wareega shanaad ee tartankan, waxayna u gudbeen wareega xiga ee siddeed dhamaadka.

Haddaba Frank Lampard ayaa ciyaarta kaddib wuxuu la hadlay warbaahinta wuxuuna yiri:

Image result for Willian and Kovačić Chelsea

“Labadoodaba waxay la xanuunsanayaan dhaawac soo gaaray dhaawac lugta ah, waxaan rajeynayaa in dhaawaca Willian uusan aheyn mid aad u xun, laakiin Kovačić ayaa laga yaabaa inuu yahay mid ka halisan”.

“Nasiib ma laheyn sababa la xiriira dhaawacyada, laakiin waa inaan shaqeynaa, Pedro wuxuu ciyaaray kulan cajiib ah, Haa, wuxuu ku noolaa xilliyo adag xilli ciyaareedkan, laakiin wuxuu kaga soo muuqday tababarka si xoogan, sida uu ahaa kulankii aan la ciyaarnay Liverpool”.

Arlaadi Radio.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here