Farsama yaqaanada Baydhabo ka shaqeeya biraha oo sheegeen in ay ka taya fiican yihiin wax soo saarka alaabaha dibadda laga keeno.

0
385

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Bir tumistu waxa ay ka mid tahay farsamooyinka uga muhiimsan dunida sababtoo ah dadka ka shaqeysta  waxey soo saaraan qalabo kala duwan oo aad looga baahanyahay qalab casri ah.

Bulshada waxey ugu yeeraan tumaal waxaana lagu liidaa farsamadooda bulshada somaaliyeed waxaa ku jira dad qof sheqadiisa ku faquuqa inta badan dadka biraha tuma bulshada kama haystaan xushmad iyo qadrin sidaasi ay tahayana waxey soo saaraan waxyaabo bulshada aad u anfaca.

Qaar kamid ah farsamayaqaanada degmada Baydhabo ayaa waxey soo saaraan qalab oo loo adeegsada beeraha iyo kushiinka waxeyna ay shegeen in qalabka ay sameyaan uu ka teya fiicanayahay kuwa dibadaha laga keeno sababtana ay tahay in dadkuna ay xiiseyaan kuwa dibadaha laga keeno.

Dhanka kale dadka ku shaqeysta farsamada gacanta ma helaan tawabaro iyo aqab ay ku shaqeystaan balse  waxeyna ay ku shaqeystaan qalaba ay gacantooda ku sameysteen.

Arlaadi Radio:- Maryan Macalin Abshir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here