Erling Haaland oo u sheegay Kooxda Man United inuu doonayey inuu iyaga ku biiro.

0
299

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Sida wararku ay sheegayaan Haaland ayaa u sheegay kooxda Manchester United inuu doonayey inuu ku biiro iyaga ka hor inta uusan u dhaqaaqin Dortmund.

Haaland ayaa xalay kooxdiisa Borussia Dortmund u dhaliyey labada gool ee ay xalay guusha kaga qaateen PSG oo ay uga badiyeen 2-1 kulankii lugta hore ee wareegga 16-ka Champions League.

Erling Haaland ayaa ku wargeliyey macallin Ole Gunnar Solskjaer inuu doonayo inuu kula biiro Manchester United suuqii Janaayo sida uu warinayo warsidaha The Athletic, laakiin taasi ma dhicin.

Xiddigan reer Norwey ayaa ka soo dhaqaaqay kooxda Red Bull Salzburg kuna biiray kooxda Borussia Dortmund inta lagu guda jiray suuqa kala iibsiga jiilaalka, iyadoo Red Devils ay taasi ka careysiisay, maadaama uu weeraryahanku laftiisu rabay inuu ku biiro iyaga.

Sababta uusan ugu biirin Haaland Man United ayaa lagu sheegay in kooxda ka arrimisa garoonka Old Trafford ay ku mashqulanayd saxiixyo kale, taasoo aan u suuro-gelin inay soo qaataan dhaliyahan cajiibka ah, kaasoo hadda wacdaro ka dhigaya Kooxda reer Jarmal ee Borussia Dortmund.

Arlaadi Radio

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here