Dowladda Soomaaliya oo shaacisay kiisas hor leh oo COVID-19 ah iyo dad u dhintay

0
290

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay kiisas cusub COVID-19 oo dalka ku soo kordhay.

Fowsiya Abiikar Nuur Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ayaa shegtay in baaritaanadii la sameeyay saacadihii la so dhaafay lagu ogaaday 20 qof oo qaba Karona feyras, taas ayaa tirada guud ee dalka ka dhigeysa 80 qof.

Wasaaradda ayaa shacabka Soomaaliyeed uga digtay ka hortagga xanuunkan oo ay ku dadaalaan dhaqan gelinta farriinaha Wasaaradda iyo bahda caafimaadka.

Dhanka kale wasaaradda ayaa sheegtay in ay 3 ruux dalka ugu geeriyoodeen cudurka COVID19, inkastoo wasaaraddu aysan sheegin meelaha ay ku geeriyoodeen dadkaas, dadka Soomaaliya ugu dhintay COVID-19 ayaa hadda ah 5 ruux sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here