Dowladda Soomaaliya oo Qalab Caafimaad iyo Dawo ku wareejisay Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle.

0
365

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Mas’uuliyiin ka socota xukuumadda Soomaliya oo ay hoggaaminayen howl-wadeenno ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa qalab caafimaad iyo dawooyin gaarsiiyay dowlad gobaleedka Hirshabeelle si ay awood ugu yeelato la tacaalidda xanuunka COVID-19.

Qalabka caafimaad ee Hirshabeelle lagu wareejiyay waxaa kamid ah qalabka Sheybaarka iyo dharka ay xirtaan howl-wadennada ka howl gala xarumaha lagu daweeyo bukaannada uu soo rito COVID-19
Qalabka Shaybaarka ee maanta lagu wareejiyay Hirshabeelle ayaa awood u siinaya inay dadka ka baaraan COVID-19
la taliyaha Ra’iisul Wasaaraha ee siyaasadda iyo arrimaha federaalka Cabdifitaax Cabdinuur, ayaa shegay in raysal wasaare Xasan Cali Kheyre uu amray in qalabka looga hortago cudurka caroona lageeyo maamul goboleedyada si loo yareeyo xanuunka waxa uuna sheegay in ay dowlada Soomaliya  ka go,antahay garab istaaga umada Soomaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here