Dowlada Soomaaliya oo garoonka Aadan Cadde ku gubtay Jaad.

0
365

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Wasaaradda Gadiidka Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta gubtay Jaad la isku dayey in si qaldan lagu soo geliyo dalka , Jaadka la gubay ayaa waxaa gacanta ku dhigay ciidamada amaanka garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka Gadiidka XFS Maxamed Cabdullahi Salaad Oomaar oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa Sheegay in ay gubeen Jaad si qaldan loo soo geliyey Dalka , Wasiirka ayaa xusay in jaadkan la isku dayey in lagu soo dhax qariyo Fasixii dulimaadka labada maalin ahaa ee loo sameeyey muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xanibnaa qaar kamid ah garoomada Caalamka.

Horay ayey Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya u xaqiijisay in fasaxa labada maalin ah aan la ogoleyn in lasoo dajiyo Xamuul aan ahayn Raashin iyo Dawo , iyadoo sidoo kale xustay in la karantiili doono Muwaadiniinta Soomaaliyeed oo ka imaanayo dalalka uu saameeyey Caabuqa Convid19.

Warkan Waxaa Noo heya Abdirahman Yusuf Hassan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here