Dowlada Mareykanka Oo Hakisay soo galootigii iman jiray Dalkaasi.

0
224

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Madaxweyne Donald Trump ayaa farriin uu soo dhigay bartiisa twitterka waxa uu ku sheegay inuu saxiixi doono amar madaxweyne oo si kumeelgaar ah loogu hakinayo in soogalootigu ay yimaadaan waddanka Mareykanka coronavirus awadii.

Farriintan oo uu soo dhigay xilli dambe oo xalay ah, ayaa waxa uu ku sheegay in go’aankaas uu gaaray kaddib “weerrarka uu ugu yeeray inuu soo qaaday cadawga aan la arkayn” – taas oo ah magac uu ugu yeero xanuunka coronavirus – iyo “baahida loo qabo in in lagu dhowro shaqooyinka” ay hayaan muwaadiniinta Mareykanka.

Wax faafaahin ah oo intaasi dheer kuma uusan darin farriintaas uu Trump soo dhigay bartiisa Twitterka.

Hasayeeshee ma ay cadda waxa uu madaxweynuhu dhab ahaantii ula jeeday iyo in ay u suurageli doonto inuu qaado tallaabo aanan hore loo arag.

Mareykanka ayaa waxa uu diiwaangeliyay 782,159 oo xaaladood oo cudurka Covid-19 ah, halka dhimashaduna ay marayso 41,816.

Dadka dhaleeceeya maamulka Trump ayaa waxa ay sheegayaan in madaxweynuhuu uu cudurkan safmarka ah u adeegsanayo inuu howlgal ku fuliyo muhaajiriinta.

Dowladda Mareykanka ayaa waxa uu xadka uu la wadaago waddanka Mexico u musaafuriyay in ka badan 6,300 oo ah muhaajiriin iyadoo isticmaalaysa awoodaha degdega ah ee loogu talagalay in lagu xakameeyo faafitaanka cudurka coronavirus, saraakiisha ayaa sidaasi sheegtay.

Tallaabada caafimaadka bulshada ee 21-ka Maarso ayaa mas’uuliyiinta waxa ay u ogolaanaysaa inay meel iska dhigaan sharciga muhaajiriinta, oo ay dadajiyaan hannaanka dalkaas dadka loogaga saarayo.

Hadalkan ugu dambeeyey ee Mr Trump ayaa imanaya xilli Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalkaas uu sidoo kale ku doodayo in heerkii ugu xumaa ee cudurka safmarka ah la soo dhaafay dalkana uu haatan dib u bilaabayo inuu furfurmo.

Xigasho BBC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here