Dhegeyso:-Youtube oo Noqday il dhaqaale oo soomaalidu Wada fahamtahay

0
312

Youtube ka dad badan oo soomaali ah ayaa lacago ka sameeyey waxeyna taasi ku xiran tahay inta qof ee daawadiyaashiisa gaareyaan, soomaali badan ayaa u ah xirfad ay ku xoogsadaan oo ay inta badan isticmaalaan bulshada soomaaliyeed ee ku nool dalka iyo dibadiisaba, waxaana qof kasta u isticmaalaa si ka duwan sida qofka kale oo qaar kood waxey bixyaan ama soo dhigaan bartooda Youtube ka Casharo ay dadka wax ku bareyaan balse waxaa kaloo jira kuwa dadka madadaaliya.

Abdullahi  MaxamuudIsxaaq   Cafaani waxaa mudo laga jooga 3sano uu sameystay Channelkiisa uu Ugu magac darey Cafaani Show waxaana uu soo geliyaa Wararka ka cusub magaalada baydhabo taasi oo hada lacago badan ka sameeyey.

Youtube ka oo ah Aalad wax laga daawado ayaa daawadiyaasha qaar dhib kala kulma maadaama channelada qaar la soo geliyo waxyaabo aan anshax ahaan ficneyn, waxeyna sanadihi dambe bulshada soomaaliyeed ku soo badaneyaan baraha bulshada gaar ahaan youtube ka oo hada noqdey meel lagu buraarugey, hadaba qof ka isticmaala Internetka sida uu lacag ugu shaqeysto maxaa looga baahan yahay Waa kan Youtuber Soomaaliyeed oo inbadan  isticmaaleyey  oo sharaxeya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here