Dhegeyso:- Warbixin ku saabsan sida ay u shaqeeyaan haweenka boolis ka ah.

0
310

Haweenka booliska ah waa kuwa qeyb ka ah ilaalinta nabad geliyada dalka taasi oo raga booliska ah kala siman yihiin. Inkastoo  mar marka qaar ay caqabad kala kulmaan shaqada hadana waa kuwa u taagan waajibaadkooda shaqada.

Haweeneydan waa  Farxiyo Ahmed Mohamed oo ah xidigle ciidanka Booliska koonfur gaalbeed ka tirsan xili aan wareysanay ayey radio arlaadi ugu warbixsey sida ay haweenka ugu qeyb qaataan doorkooda shaqada ay bulshada u heyaan.

Sidoo kale waxey tilmaantey in ay bulshada xiriir dhow la leeyihiin kana qeyb qaataan ilaalinta deegaanka iyo dhowrida xuquuqda muwaadinka gaar ahaan dhibanyaasha hawenka ah .

72 boolis ah ayaa haween ka ah ciidamada booliska ee maamul gobaleedka koonfur galbeed  oo ka kooban 18degmo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here