Dhegeyso:- Warbixin ka hadleysa xaalada guud ee kaamka Indhooliyaasha ee Al aamin.

0
641

Kaamka Al aamin oo badanaa ku nool dadka aan waxba arag ayaa ah meel hoy u ah 130 qoys oo  u badan haween iyo caruur qaba baahiyo kala duwan waxeyna la daalaa dhaceyaan sidii ay ku noolaan lahaayeen.

Qoysaska qaar kood ma heystaan waxyaabaha aas aasiga u ah nolosha sida raashiinkii la cuni lahaa, daryeel caafimaad iyo kuwa kale sida ay radio Arlaadi u sheegtay Suuban Mcalin ibraahim oo ah Haweeney ku nool kaamkaasi in mudo ah

Cod

Safiyo Axmed Maxamed waa Gudoomiye ku xigeenka Kaamamka Al aamin oo ka  mid ah kaamaka ku yaala duleedka magaalada baydhabo ee xaruunta gobalka baay waxeyna ka warbixisey xaalada guud dadka ku nool kaamkan waxeyna baaq u dirtay dowlada koonfur galbeed iyo dadka muxsiniinta ah si loogu gargaaro

Cod

Magaaladan Baydhabo ayey noqotay meel marti gelisa dad siyaabo kala duwan u soo barakac oo qaar kood mudo badan ku nool kaamamka ay ka degan yihiin magaalada oo ah buushash.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here