Dhegeyso:- Markii ugu horeysay oo Baydhabo laga furey Kambani Guriyaha kireeya

0
345

Ijaarsang Waa kambani ku cusub baydhabo, 2bilood keliya ayuu furan yahay hada.

Fikirka in la furo kambanigaan ayaa lahaa Dhalinyaro isla iyaga ayaa suuragaliyey in ay baydhabo ka furaan Ijaarsang oo ah shirkad guriyaha kireysa waxaa inta badan lagu yaqaanaa magaalooyinka  gobalada dalka qaarkood sida caasimada dalka ee muqdisho iyo magaalooyin kale oo ay ka mid tahay Garow.

Adeegeyo badan ayey qabtaan waxaana radio arlaadi faafaahin ka siiyey Abdimalik Suleymaan Xuseen oo ah madaxa Kambaniga Ijaarsang

Baraha bulshada ku wada xariirta ee internetka sida Facebook ayey ku soo bandhigaan guriyaha la kireyn rabo iyo wax weliba oo ay qabtaan, halkaasi oo ay dadka kala socdaan, qofkii dooneyana kala soo xariiro

Abdimaalik ayaa ku sheegey sababta kaliftey in ay adeegyadaan fuliyaan ay tahay baahi loo qabo arimaha guri kireynta, iibinta dhulalka oo dadka qaar aysan heli jirin meelaha ay rabaan.

Bulshada magaalada Baydhabo ayaa siyaabo kala duwan u arkey shirkadaan ijaarsang oo magaalada ku cusub waxeyna dhalinyaro xafiiskooda kula kulanay iyagoo adeegyo loo qabaneya inoo sheegeen in ay muhiim tahay in la helo shirkad ka shaqeyso arimaha guri kireynta, ayna ku qiimeeyeen aragti ah in ay waqtigeeda ku imaadey, suurta galna ay tahay in dadka ay si wanaagsan ay ugu adeegto

Arintan ayaa u sahleysa dadka magaalada ku cusub ama baydhabo soo gaaro in ay helaan Faafahino badan oo ku saabsan halkii ay degi lahaayeen sida Hoteelada iyo guriyaha taasi iyo kuwa kale ayaa bulshada uga faaideysan karaan sababtoo ah waa arin cajiib ah oo intaad guri raadintiisa ku mashquuli laheyd bedelkeeda ay iyaga kuu sheegaan guriyaha banana ee kirada loo rabo iyagoo isku xireya dadka karida raba iyo kuwa laga kireysaneyaba

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here