Dhegeyso:- Haweenka Koonfur galbeed oo qabsaday kulan ay uga hadleyeen sidii ay xuquuqdooda ku raadsan lahaayeen.

0
472

Haweenku waxey qeyb ka yihiin qeybaha kala duwan ee bulshada, haweenka soomaaliyeedna waa kuwa wadanka halgan dheer u soo galay. Waxey door muuqda ka soo qaateen halgankii xurnimada iyo midnimada dalka.

Burburkii dalka soo marey kadib waxaa isbedeley hanaankii dowladnimo iyo kaalimaha bulsho ee door weliba leh waxaana haweenka soomaaliyeed taasi u keentay in ay ku yaraadaan fursadaha shaqo iyo tan dowladnimo

Inkastoo Dalku dib u soo kabsaday marxaladihii horena laga gudbey waxaa haweenka soomaaliyeed ay noqdeen kuwa raadiya xuquuqdooda sida sinaanta shaqada, siyaasada iyo kuwa kaleba si ay u helaan, una qaataan doorkooda kaga aadan. Waxaana jirta wasaarad loogu magac daro Magacooda taasi oo ka mid ah wasaaradaha dowladu ee bulshada loogu adeego sida wasaarada haweenka koonfur galbeed.

Waa markii ugu horeysay ee haweenka koonfur galbeed qabsadaan kulan ay ugu hadleyeen sidii xuquudooda u raadsan lahaayeen waxaana isugu yimid, haweenka 10xaafadood ee magaalada baydhabo ee xaruunka gobalka baay, gabdhaha jaamacadaha iyo ururada haweenka.

Gudoomiyaha Ururka Haweenka Gobalka Baay Maamo muraayo ibraahim madeer Ayaa haweenka ku dhiiragelisay in ay isla shaqeeyaan, isna taageeraan si ay uwada guuleystaan sidoo kalena ku dadaalaan in ay xaqooda raadsadaan.

Waxey sidoo kale sheegtay in muhiim tahay in ay helaan haweenka xuquuqdooda waxeyna wasiirada haweenka koonfur galbeed ka codsatay in madaxda dowlada iyo hay,adaha u gudbiso dhibaatada ay haweenka qabaan.

Mudooyinkan dambe waxaa magaalada baydhabo haween badan loogu qabtay tawabaro kala duwan oo lagu bareyey sidii ay ugu qeyb qaadan lahaayeen siyaasada iyo fursadaha shaqo ee dalka balse ma helaan wax taasi ka duwan oo loo qabtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here