Dhakhaatiir hawlgab ah oo laga codsaday inay soo gurmadaan Cudurka Corona Virus Dartiisa

0
213

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Waaxda daryeelka caafimaadka UK ayaa waraaqo u dirtay in ka badan 65,000 oo dhakhaatiir iyo kalkaaliyeyaal howlgab noqday, iyadoo ka codsaneysa inay ku soo laabtaan shaqada si ay uga qeyb qaataan la dagaallanka fayraska corona.

Dhanka kale, dowladda ayaa codsatay in dhammaan isbitaallada la geeyo qalabka loogu talogalay la dagaallanka cudurkaasi.

Dalka UK, 144 qof ayaa fayraska Corona u dhintay, halka 3,269 oo qofka laga helay xanuunka Covid-19.

Dhaqaatiirta iyo kalkaaliyeyaasha sare ee saddexdii sano ee ugu dambeysay ka tegay waaxda daryeelka caafimaadka UK ee NHS ayaa loogu baaqay inay is soo diwaangeliyaan si ay qeyb uga noqdaan dagaalka lagula jiro fayraska Corona.

Ardayda caafimaadka barata ee ku jirta sanadkoodii ugu dambeeyay ee jaamcadda ayaa sidoo kale laga yaabaa in la siiyo shaqo ku meel gaar ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here