Dhageyso:-Xaflad ay ku qalan jibinaayeen ardey dhameysatay xirfado kala duwan oo magaalada baydhabo lagu qabtay.

0
308

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Dowladda KGS mudane Feysal Cabdullaahi Cali Ayaa ka qeyb galay xaflada si heer sare ah loo Soo agaasimey oo ay ku qalinjibinayeen Ardey Baratey xirfado kala duwan taasi oo Lagu qabtey magaalada Baydhabo ee xarunta KGM Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Kuwaasi oo gaarayay 60 arday.

Munaasabadan oo ay soo qaban qaabiyeen Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaqalaha KGS iyo Gudiga barakacayaasha KGS, iyaga oo Kaashanaya hay’adaha UNHCR, iyo hay,ado kale, waxaana ka soo qeybgalay Mas’uuliyiin ka kala socday hay’ada UNHCR  , aqoonyahano, Ardeyda baratey xirfadaha kala duwan oo Mudo lix bilood u soo socotey iyo qeybo ka Mid ah bulshada kunool magaalada Baydhabo.

Ugu Horeyntii ayaa waxaa goobta ka hadlay Gudoomiyaha Gudiga  Barakacyaasha Koonfur galbeed Cabdiqaadir Maxamed Ali wuxuuna sheegey in ay muhiim tahay in si wada jir ah loo garab istaago dadka barakacyaasha ah eek u jira xeriyaha barakacyaasha ee duleedka magaalada baydhabo.

Faysal Cabdullahi Cali Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaqalaha KGS oo Munaasabadda ka hadley ayaa sheegay in Ardeyda maanta qalinjibinaysa shaqa abuur loo Sameyn doona maadaama ay haystaan Xirfado kala duwan oo ay ku shaqeysan karaa.

Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalhaa KGS Ayaa wado dadaalo shaqa abuuris loogu Samaynayo dhalinyarada deegaanada KGS si Loo daboolo baahiyahooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here