Dhageyso:- Ururka isku xirka haweenka koonfur galbeed oo deeq dhar ah gaarsiiyeen qoysas ku jira xeriyaha barakacyaasha baydhabo.

0
415

Ururkani oo ka shaqeeya hormarinta haweenka koonfur galbeed ayaa waxay deeq dhar isugu jira kuwa xiran kara dad weyn iyo caruurba gaarsiiyeen qoysas barakacyaal ah oo ku jira xeriyaha barakacyaasha ee ku yaala duleedka magaalada baydhabo, deeqdaasi ayaa sidoo kale qeyb ka aheyd wasaarada haweenka koonfur galbeed oo ay kaa shaneysa xubnaha ku mideysan ururka isku xirka haweenka koonfur galbeed.

qaar kamid ah dadkii ka mid ahaa kuwa ka faaideystay deeqdaasi ayaa ugu mahadceliyey ururka sida uu u garab suran yahay dadka barakacyaasha gaar ahaan haweenka. waxaana dhanka kale masuuliyiinta ururka ay ka warbixyeen wax yaabaha ay dadka siiyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here