Dhageyso:- Shir weynaha Teknoolajiyada OO markii labaad Muqdisho ka socda

0
332

Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada dalkeena soomaaliya ka furmay shirka tiknoolajiyada oo ay ka soo qeyb galeen masuuliyiin heer wasiiro ah oo ka tirsan dowlada federaalka soomaaliya oo ugu horeeyey Ra’iisal Wasaara ku xigeenka Dowlada Federalka Soomaaliya Mahdi Mohamed Guuleed,  Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahana duqa muqdisho Aqoonyahano ku xeel dheer culuumta tiknoolajiyada  Shirkado ka shaqeeya arimha beeraha waxsoosaarka iyo tiknoolajiyaduba iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Shirka maalimaha uu socda ayaa waxaa la qaban doonaa dood cilmiyeedkii ugu horeeyay shirka doodaas oo loogu hadlayo “kordhinta Wax Soo Saarka Cuntada iyadoo loo adeegsanayo Teknoolajiyada. Taasi oo su,aalo laga weydiin doono aqoonyahanada martida ku ah doodaasi. Sidoo kale waxaa loogu hadli doonaa inta uu socda  Dooda kale, isbedelka cimilada, cunto isku fulan oo la helo iyo kuwa kale.

Qaar ka mid ah dadkii ka soo qeybgalay ayaa ugu horeyn goobta  ka hadleen.

Waa shir weynihii 2aad ee tiknoolajiyada ee muqdisha ka dhaca waxaana xusid mudan in kii hore looga hadlay qodobo ka duwan kuwa maanta diirada la saareya oo sandkaan loo arkey in ay muhiim yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here