Dhageyso:-Muxuu yahay Caabuqa ku dhaca Xubinta Taranka Haweenka?

0
411

Mid kamida cudurada ku dhaca xubinka taranka haweenka isla markaana ah kan ugu weyn ee dumarka dunida gaar ahaan dumarka soomaalida ku keena dhibaatooyin dhinaca caafimaadka oo aad u badan siiba dhibaatooyin ka la xiriira dhinac yada taranka waa dhalmada iyo xagga qashin saarka jirka sida kaadida saxarada iyo caadada sidoo kale isla qodob kaan waxaa soo galaya dhididka oo isaguna kamid ah mid kamida qashin saarada jirka uu leeyahay oo aad u muhiim ah

Cudurada ku dhaca xubintasi taranka  waa mid saameyn weyn ku yeesha habka taranka guud ahaan banii aadamka rag iyo dumarba gaar ahaan dumarka waxa uu ku leeyahay saameyn aad u badan sidoo kale cudurkaan waxa uu saameeyaa oo uu xumeeyaa macaamilka ka dhaxeeya ninka iyo xaaskiisa isagoo qoyska ka dhex abuura mashaakil hoosaad xagga nolosha iyo gogosha intaba waana cudur qofka marka uu ku dhaco ku keena mashquul dhinaca nafsada ah waana cudur faafa isla markaana aan ku koobnaaneyn qofka uu haleelo oo kaliya waxa uu saameyn karaa labada qof ee isqaba iyo ubadkooda intaba waa cudur qoysaska ku bixiyaan qarashaad fara badan bil kasta sanad kasta.

hadaba su,aasha isweydiinta mudan waxa ay tahay Waa maxay cudurkani?.

Drs Caasha waa dhaqtarad ka shaqeysa arimaha haweenka waxeyna radio arlaadi ugu warbixisay  caabuqaasi ama (infection) ka, Sidoo kale waxey fariin u dirtay haweenka si ay ugu dadaalaan caafimaadkooda, hadii ay isku arkaana calaamadahaasi ay si toos ah ula xiriiraan goobaha caafimaadka ama dhaqaatiirta ku shaqada leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here