Dhageyso:-Munaasabad lagu dahfureyey Urur cusub oo Baydhabo lagu qabtay.

0
352

Ururka Hor dareer oo ah urur cusub, Wuxuu ka mid noqday Ururada ka jira Magaalada Baydhabo ee xaruunta gobalka baay kuwooda ka shaqeeya arimaha bulshada kuwaasi oo gaareya ku dhawaad 50 urur oo siyaabo kala duwan bulshada ugu shaqeeya.

Waxaa hool ku yaala Hotelka Bilan lagu qabtay Munaasabadan lagu dahfureyey Ururkaasi, waxaana ka soo qeyb galeen xubno ka socda qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool baydhabo.

Inta ay socotay munaasabda dahfurka ayaa qaar ka mid ah bulshadii ka soo qeyb gashay waxey ka hadleen sida ay u arkaan ururkan ku mideysan yihiin dhalinyaro isku tagtay, kuwaasi oo la baxay Hor dareer.

Nuur Maxamed Axmed Mayow waa gudoomiyaha Ururka Hordareer wuxuu sharaxeyaa waxyaabaha urukooda ka shaqeyn doono.

Ma ahan markii ugu horeysay ee magaalada Baydhabo lagu dahfuro Urur la sameeyey waxaana horey loo sameeyey ururo kale basle ururkani ayaa ah mid qabaneya dodo dadka ay kaga hadleyaan hormarinta deegaankooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here