Dhageyso:- Madaxweynaha Maamulka KGS OO hay,adaha ka codsaday in dadka barakacyaasha ah ay caawiyaan

0
284

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa beesha caalamka gaar ahaan kuwa koonfur galbeed caawiya ugu mahadceliyey dadaalka ay la garab joogaan oo dhan weliba leh, madaxweynaha ayaa sheegay in jidadka xir xiran dhan ee deegaanada koonfur galbeed ay codsi uga dareen beesha caalamka si la isku furo wadooyinkaasi

Dhanka kale wuxuu madaxweynaha ka hadlay arimaha baniaadanimada isagoona baaq u diray hay,adaha ka shaqeeya arimahaasi maadaama ay jiraan barakacyaal badan oo ku sugan seddaxda gobal ee maamulka wuxuuna sidoo kale tilmaamay in ay ula shaqeyn doonaan si wanaagsan.

Baaqa madaxweynaha ayaa ku soo aadeya xili lagu gudi jaro roobkii deyrta oo meela badan soomaaliya ah ka da,ay wuxuuna yeeshay saameyno badan oo ugu horeeyaan dadka barakacyaasha ah oo degan buushash ka sameysan bacyooyin.

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here