Kulan looga hadlaayay wacyi galinta dhalinyarada KG oo baydhabo lagu qabtay.

0
366

Baydhabo (Radio Arlaadi) Guud ahaan dalka soomaaliya waxaa kajira dhibaatooyin badan oo ay geesanayaan kooxda al shabaab iyadoo taasi ay jirto ayaa degaanada koonfur galbeed waxaa lagu tilmamaa meelaha dhalinyaradooda ugu badan eek u jira kooxda al shabaab.

Si taasi looga hadlo iyo in wacyi galin arintaasi kusaabsan loo siyo dhalinyarada koonfur galbeed gaar ahaan dhalinyarada magalada baydhabo ayaa hay’ada CRD waxay baydhabo ku qabatay kulan wacyi galin ah, waxayna ka qeyb galisay maamulka degmada baydhabo odiyaasha dhaqanka ururada dhalinyarada’ haweenka iyo qeybaha kale ee ururada bulshada.

Intooda badan dadkii kulankaani lagu marti qaaday ayay waxay siyaabooyin kala duwan ay uga hadleen dhalinyarada lamaran habaabiyay ee kujiraan kooxda al shabaab kuwaasi oo loo sheegay fikiro qaldan oo wax u dhimi karaan dadkooda iyo degaanadii ay ka soo jedeen.

Odiyaasha dhaqanka ayaa usoo jeediyay waalidiinta carruurta dhalay in ay ka war hayaan dhaqdhaqaaqa carruurtooda markay adayaan iskuulada dhalinyarada kale ay lasaxibayaan iyo meelaha kale.

Gudoomiyaha haweenka gobolka baay Marwo Muraayo Ibraahim oo kuhadlaysay afka hooyooyinka ayaa waxay sheegtay in laga gaabiyay kawar qabka iyo wacyi galin yarada heysata dhalinyarada in ay u sahlanaan karto in sidii larabo loo adeegsado iyadoo in taasi ay siiraacisay in dhalinyarada ku biraan kooxda al shabaab in ay keentay shaqo la’aanta heysata dhalinyarada taasi oo sahli karta in lacag yar loogu adeegsado inay geestaan dhibaato weyn.

@Maryan Macalin Abshir:- Radio Arlaadi

Halka Hoos Ka Dhageyso Codka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here