Dhageyso:- Kulan dood wadaag ahaa oo loo qabtay wariyaasha madax banaan ee baydhabo iyo hay,adaha dowlada.

0
366

Kulankan dood wadaaga ahaa ayaa looga hadlaayey sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen warbaahinta madax banaan iyo hay,adaha dowlada, waxaana soo qaban qaabisay wasaarada warfaafinta wacyegelinta bulshada koonfur galbeed soomaaliya.

Doodani oo su,aalo la isku weydiineyey waxaa ka soo qeyb galeen masuuliyiin ka socotay ururka bulshada rayidka ee soswensa koonfur galbeed, agaasimiyaasha idaacadaha baydhabo, wariyaasha madax banaan, kuwa dowlada iyo  madaxda wasaarada warfaafinta oo ugu horeeyey wasiirka wasaaradaasi.

Kulanka ayaa inta uu socday waxaa su,aalo lugu weydiineyey wasiirka wasaarada warfaafinta ugaas Hassan cabdi maxamed iyo laamaha amniga oo ka socday taliyaha saldhiga baydhabo Muqtaar Dugudow, waxaana la falan qeeyey sidii u  wada shaqeyn lahaayeen wariyaasha madaxbanaan iyo hay,adaha dowlada.

Qaar ka mid ah wariyaashii ka qeyb galeen doodaasi oo aan makaroofanka radio arlaadi la dhaxqaadnay markii ay soo idlaatay kulanka dooda ayaa waxey ka hadleen sida ay u arkaan kulanka iyo waxyaabihii ay kaga hadleen.

Wasiirka wasaarada warfaafinta iyo wacyegelinta bulshada koonfur galbeed ugaas Hassan abdi maxamed ayaa ku amaaney wariyaasha koonfur galbeed gaar ahaan kuwa baydhabo in ay door weyn ka qaateen dowladnimada iyo gudbinta baahiyaha bulshada ee barakacyaasha ah iyo kuwa kale ee barakacyaasha aheyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here