Dhageyso:-Iskuulka dhagoolada iyo indhooliyaasha ee Mustaqbal oo tirada ardeydiisa sii kordheysa.

0
414

Tan iyo markii la aas aasey 2017 dii iskuulka dhagoolada iyo indhooliyaasha ee mustaqbal ee magaalada Baydhabo ee xaruunta gobalka baay wuxuu sameeyey isbedelo dhanka waxbarashada dadka baahiyaha gaarka ah qaba, waxaana sii korortay tirada ardeyda aan wax maqlin ee dhigta iyadoona markii hore lagu bilaawey 13 ardey keliya waxaana Maamulaha guud ee iskuulkaasi Xawiiwo ibraahim aadan ay nooga warbixisay sida ay tahay waxbarashada iskuulka iyo ardeydaba.

Waa iskuulka keliya ee wax lagu baro dadka baahiyaha gaarka ah qaba sida dhagooliyaasha, indhooliyaasha iyo weliba guud ahaan naafada, waxaana in la furo fikradiisa iska lahaayeen tiro dhalinyaro ah oo isku tagtay,kana shaqeysiiyeen maskaxdooda sidii ay wax ku baran lahaayeen ardeydaasi iyadoona ka soo gudbeen caqabadihii jireen.

Dhanka kale waxey bulshada fariin ugu dirtay gaar ahaan ardeyda in ay bartaan luuqada Wax lagu fahan siiyo dhagoolada si loo helo macalamiin badan oo dhagoolada wax baraan si loogu dadaalo tayada waxbarashadooda.

Dadka baahiyaha gaar ka ah qaba ayaa wadamada hormarey waxey helaan xuquuqdooda, iyagoona qiima weyn hela, balse wadamada hada heya wadada hormarka ayaan ka jirin qaarkood in ay dadkooda naafaha ah ay helaan xuquuqdii ay dalkooda ku lahaayeen, waxbaridoodana waa qeyb ka mid ah meelaha fursadaha ku yaryhiin halka kuwa kale ay helaan waxbarasho ilaa heer jaamacadeed ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here