Dhageyso:-Gudoonka Waxbarashada Degmada Xudur oo dhiiragelin u sameeyey Ardeyda Quraanka Barta.

0
353

Gudoomiyaha Waxbarashada Degmada Xudur ee Xaruunta Gobalka Bakool Adan Axmed Maxamuud (Qoosh) ayaa waxa uu dhiiragelin  waxabarashada Diinta Islaamka ah sida quraanka axaadiiska iyo barashada guud ahaan diinteena suuban u sameeyey ardeyda dugsiyada quraanka ee degmadaasi, wuxuuna sidoo kale amaan balaaran u jeediyey dadkii ku dadaalay in degmada ay yeelato goobo lagu barto diinta.

Madarasooyinka quraanka lagu barto ee degmada xudur ayaa waxaa ka soo baxa ardey aad u badan kuwaasi oo ku nool degmadaasi, waana qeyb ka mid ah hormarada laga dareemeyo degmadaasi maadaama la qabtay xaflado kala duwan oo ardey quraanka barteen abaalmarino lagu gudoonsiineyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here