Dhageyso:-Gudiga Gurmadka Fatahaada Koonfur Galbeed oo deeg lacageed gaareysa 5000 dollar la soo gaarsiiyey.

0
318

Lacagtan oo tiradeedu gaareysa 5000 oo dollar ka mareekanka ah, ayna soo dhiibeen bahda xiriirada kala duwan ee ciyaaraha ee dowlada ferderaalka soomaaliya ayaa waxaa loo soo wakiishtay wasiirka wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha koonfur galbeed isagoona si toos ah ugu wareejiyey gudoomiyaha gudiga gurmadka fataahada deegaanada koonfur galbeed ahna wasiirka  wasaarada gargaarka iyo maareynta masiibooyinka Cabdinaasir Caruush.

degmada ugu saameynta badan ee dhanka fatahaada marka laga hadleyo deegaanada koonfur galbeed ayaa ah degmada Bardaale ee gobalka baay, waxaana sidoo kale gurmadka ka qeyb qaateen qeybaha kala duwan ee bulshada degmada baydhabo oo ah magaalo madaxda gobalka baay.

wasiirka  wasaarada gargaarka iyo maareynta masiibooyinka Cabdinaasir Caruush ayaa sheegey in si cadaalad ah loo gaarsiin doono Qoysaska daadadku ay saameeyeen, kana barakaceen guriyahooda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here