Dhageyso:- Bulshada Reer Xuddur oo si isxilqaan ah uga qeyb qaadanaysa dhismaha Xaruunta Maxakamada Degmada Xuddur.

0
477

Magaalada xudur ee xaruunta gobalka bakool weli waxaa ka socda dhismaha xaruunta maxkamada degmadaasi oo si isxilqaan ah u dhiseyaan bulshada ku nool degmada xudur, waxaana ay muujiyeen dareen wadanimo leh oo ay ku dooneyaan in ay dhistaan maxkamad.Tan iyo intii ay bilaawatay isxilqaankaasi ayaa waxaa la aruuriyey 250kiish oo shamiindo ah oo qeyb ka noqon doona dhismaha maxkamada.

Gudoomiyaha gudiga isxilqaan ee dhismaha maxkamada degmada xudur cumar cabdullahi maxmuud aya aka warbixyey halka ay wax u mareyaan iyo waxyaabaha u qabsoomay

Bulshada degmada xudur ayaa diyaargarow ugu jira in ay gacantooda ku dhistaan xaruun maxkamadeed oo dadka loogu kala garqaadeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here