Dhageyso:- Barkac horey dalka Kenya dib ugu soo laabtay oo ka cawaneya maamulka degmada Baydhabo.

0
344

Iyadoo lagu gudi jiro xili roobeed degaanadaan koonfur galbeed si aad ah ay ugu da’een ayaa hada markiiba roobadkaani ayaa waxaa si aad ah u sameyay dadka barkacyaasha ah eek u jiraan kaamamka ku yalaan magalada baydhabo, dadka madaamada ay dhamaan barkacyaal ay isku yihiin ayaa hadana waxaa dhibaatada ugu badan ay sheeganayaan barkacyaashii dib ugu soo laabteen dalka soomaaliya gaar ahaan kuwii kasoo laabtay dalka Kenya ii magalada baydhabo ay deganeystay ee ritaneyska ah, waxaana ay kala degeen labada gees ee magalada baydhabo.

Maxamed jinaay isaaq waa gudoomiyaha Ritaaneyska wadajir 6  ee magalada baydhabo janaay waxay baydhabo soo gareen 2016  8 26 asiga iyo boqolaal qeys oo hada kusugan magalada baydhabo waxaa uu kahadlayaa imaatin kooda dhibaatooyinka ay lakulmeen iyo waxyaabaha hada ay ka cawanayaan, gudoomiye maxamed isaaq ayaa waxaa uu kahadlay kaamka uu gacanta uu kuhaayo in maanta dadka ku nool ay yihiin kuwo gar gaar bini’aadino ay u baahan yihiin.

Gudoomiye maxamed asigoo lahadlaayay radio arlaadi ayaa waxaa uu sharxaad kabixiyay in kaamka dadka ku nool uu wada sameyay roobabkii maalmahaan ka da’aayay magalada baydhabo, wuxuuna sameyay guryihiin ay deganayeen musqulihii ay wada dumeen kaamkana uu ka qarxaday cuduro wada sameyay dadka dada ah iyo caruurta.

Sidoo kale gudoomiyaha ayaa waxaa uu inoo xaqiijiyay in uusan laheeyn kaamka wado hagaagsan ee ay maraan dadka kaamka ku nool iyo kaamka oo si aad ah uga fod MCH ama isbitaal ay ka doontaan wadooyinka ay u baahdaan.

Qaar kamid ah hooyooyinka ritaneyska ah ee ka imadeen dalka keynya ee ku nool kaamka wadajir 6  ee magalada baydhabo janaay ayaa waxay ka hadleen dhibaatooyinka xiligaani ay ku nool yihiin waxaana si aad ah ay u qexeen in ay roobabkii magalada baydhabo ka da’een in ay qaarkood ay kuwayeen guryihii ay deganayeen kuwa kalena biyaha guriyaha ay ugu galeen, waxayna dowlad goboleedka koonfur galbeed iyo hay’adaha gar gaarka bixiya inay gar gaar ay lasoo garaan si ay ugu baxaan dhibaatadaan,waxayna cadsadeen in si deg deg ah ay ku helaan guriyo ay kaga gambadaan kuleelka maalintii iyo dhaxanta daran  iyo roobka habeenkii.

Iyadoo xiligaani dhamaan dadka ku nool kaamamka ku yalaan magalada baydhabo ay kasoo yereyso qeylo dhaan oo wadda sameyay roobabska kada’ayaan magalada baydhabo ayaa wali jiri gar gaar muuqda oo ay ka heleen hay’adaha kahowlgalada degaanada kg iyo maamulka degmada baydhabo, waxayna codsanayaan barkacyaashaan in ay helaan wax yaabihiin ay iskaga gaashaaman lahayeen roobabkaani daawooyin iyo wax yaabaha aas aasiga u ah bani’aadankaas.

By: Siid Cali Muuse Ateera

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here