Dhageyso:- Ardeyda Magaalada Baydhabo oo u soo dhamaaday Imtaxaanka dhaxe ee sanad dugsiyeedkan.

0
318

Waxaa magaalada Baydhabo ee xaruunta gobalka bay lagu soo gabagabeeyey imtaxaanka dhaxe ee sanad dugsiyeedka 2019-2020 ka, kaasi oo socday mudo isbuuca oo ay ardeyda dhigta iskuulada ku yaala degmada baydhabo ay u fadhiisteen imtaxaankaasi, iyagoona looga qaaday casharadii ay horey u soo dhigteen.

Dugsiga Hoose dhaxe iyo sare ee Gabdhaha Dr Cabdala Deerow wuxuu ka mid yahay iskuulada ku yaala magaaladan, waxeyna qaar ka mid ah ardeyda wax ka barata ay ka hadleen sida uu ugu soo dhamaaday imtaxaankii ay galeen iyo waxyaabaha ay ka filaneyaan.

Dhanka kale macalamiinta iskuulkaasi ee gabdhaha keliya wax lagu baro ayaa waxay sharaxaad ka bixyeen waxbarashada ardeyda iyo dadaalkooda.

Maamulaha iskuulka Cabdala deerow Xaawo Cabdullahi ayaa ugu dambeyntii dhankeeda sheegtay in ay ku faraxsan tahay ardeyda sida ay dadaal iyo dhabar adeeg ugu muujiyeen waxbarashadooda, sidoo kalena Ardeyda u sheegtay in ay fasax yihiin 15beri.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here