Dhageysiga Dacwad Ka dhan ah Askari Dil Ka Geystey Baydhabo Oo Bilaabatey.

0
328

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Maxkamada Darajada 1-aad Ciidamada Qalabka sida qeybta 60-aad oo bilowday dhageysiga kiis dil ah oo loo haysto edeysane ka ka tirsan Ciidanka Booliska.

Fadhiga Maxkamada Darajada Koowaad ee Ciimada Qalabka sida qeybta 60-aad waxaa lagu dhageysatey Kiis dil ah oo Loo haysto edeysane dable Boolis Ismaaciil Cali Maxamed oo 29 sano jir ah oo dil ugu geystay Magaalada Baydhabo Marxuum Huud Xasan Ali markii ay Taarikhdu ay ahayd 11 10 2019-ka.

Waxana fadhigga Maxkamada lagu dhagaysanaayay kiiska dilka ku sugnaa Guddomiyaha Maxkamada Darajada Koowaad ee ciimada qalabka sida qaybta 60-aad Gaashanle Abshir Maxamed Aadan ayaa kiiska fadhiga maxkamada horyaala faafahiyay.

Eedeysane dable Boolis Ismaaciil Cali Maxamed ayaa sharaxay qaabka dilka u gaysatay.
dhageysiga Marqaatiyaasha , Baarayaasha kiiska dilka ah uu gaystay eedeysane dable Boolis Ismaaciil Cali Maxamed ayaa Xeer Ilaalinta maxkamada ciidamada qalabka sida qeybta 60-ad ayaa ka codsaday garsoorayaasha maxkamadda Ciidamada in uu muteysto eydsanaha isla ciqaabtii uu gaystay qisastii Marxuumka

Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee CQS. qeybta 60aad Gaashanle Abshir Maxamed Adan ayaa soo xiray fadhiga Maxkamadda.

Arlaadi Radio.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here