Degaano Hor leh Oo Ka tirsan Degmada Xudur Oo Gaaray Ayaxii.

0
331

Baydhabo (Radio Arlaadi)- Beeraleyda gobolka bakool ayaa raja xumo ka muujiyey dalaqii sanadkaan ay ka filayeen beeraha sababtuna ay tahay ayaxii oo inta badan latagay waxyaabihii cagaarka ahaa oo beeraha ku yaleen.

Si aan wax badan uga ogaano saameynta ayaxa uu ku reebey dhul beereedka gobolka bakool ayaan kawareysanay Cabdi Cali Isaaq oo ka mid ah odayaasha degmada xudur ee xarunta gobolka bakool oo xog badan kahaya xaalada beeraleyda degaanada ka tirsan degmada xudur.

Cabdi Cali Isaaq ayaa dowlada FS iyo dowlad goboleedka koonfur galbeed ugu baaqay in ay arintaan ay wax kaqabtaa, wuxuuna sheegay in ayaxaan loo dhaliilsan Karin inta hada ay ka arkeen.

Radio Arlaadi:- Siid Ali Muuse Ateera.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here