Dad Tahriibayaal ah oo la soo bad baadiyay

0
268

Baydhabo(Radio Arlaadi)- sagaashan tahriibayaal  ah  oo ay carruur ku jiraan ayaa lagu soo badbaadiyey xeebaha dalkaasi Ingiriiska.

Sideed doomood oo kuwa yaryar ayaa soo gaaray biya xireenka Dover, mid ka mid ah doomahaasina ay sidday 21 tahriibayaal oo rag ah.

Wasaaradda Arrimaha gudaha Ingiriiska waxay sheegtay dadkaasi muhaajiriinta ee la soo badbaadiyey inay u dhasheen waddamada Suuriya, Yemen iyo Maali.

Carruurta la soo badbaadiyey si ay daryeel u helaan waxaa loo gudbiyey xaruumaha adeegga bulshada ee carruurta lagu xannaaneeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here