COVID-19 oo Sare usii Qaadaya Tirada Dadka Saboolka ah ee Dunida

0
250

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Bangiga Adduunka ayaa sheegay in uu filayo in sanadkan uu sare u kac ku yimaado tirada dadka ku nool saboolnimada daran ee dunida sababo la xariira xanuunka COVID-19.

Bangiga ayaa sheegay in 115 milyan oo qof ay ku biiri doonaan liiska dadka saboolka ah taas oo culaab hor leh u horseedi doonta dunida.

Xanuunkan ayuu bangigu tilmaamay in uu sii cakiri doono loollanka awoodaha iyo sidoo kale isbedelka cimillada oo dhammaantood wiiqi kara dadaalka lagu yareynayo xaddiga saboolnimada.

Horraanta sanadka 2021-ka ayuu bangigu sheegay in tirada dadka saboolnimada daran ku nool ay ka badan karto 150 milyan oo qof.

Saboolnimada daran ayaa loo yaqaannaa dadka ku nool wax ka yar 1.90 doollar maalintii.

Saboolnimada haatan dunida soo foodsaartay ayaa ah tii igu darnayd ee dunida la soo gudboonaata tan iyo sanadkii 1998-kii oo ku beegnayd markii dhaqaale burburkii Eeshiya uu saameeyay dhaqaalaha dunida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here