Ciyaartooy ka tirsan Manchester City oo is karaantiilay

0
247

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Ciyaaryahan ka tirsan Manchester City ayaa si iskii ah isaga dhex saaray dadka, kadib markii xubin kamid ah qoyskiisa laga helay caabuqa Korona.

Xidiggan la isweydiinayo oo aysan naadiga Manchester City xusin magaciisa ayaa waxaa warbixinno badan oo lagu wadagay baraha bulshada ay muujinayaan in uu yahaay daafaca bidix ee Manchester City Bejamin Mendy.

Af-hayeen u hadlay naadiga Man City ayaa yiri “ Kooxdu waa ay la socotaa in mid ka mid ah ciyaartooyda kooxda uu iska dhex saaray bulshada kaddib markii xubin qoyskiisa ah laga helay caabuqa COVID-19 (Korona Feyras)”

“Laacibkan isaga ayaa si iskii ah su’aal u geliyay caafimaadkiisa, mana jirto hubin ah in uu qabo Korona ” ayuu sii raaciyay wallow uusan xusin magaca laacibka.

Si kastaba ha ahaatee dalka Ingiriiska waxaa laga helay 590 kiis oo ah Korona halka ay u dhinteen 10 ruux ilaa iyo hadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here