Cisbitaalka Xayaat oo Baaritaano iyo Daaweyn u sameeyay 120 Qoys oo Baydhabo Barakac ku ah

0
265

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Ololaha ayaa ah mid loogu samaynayao baaritaan iyo daweeyn 120 Qooys oo ku nool kaamka barakacayaasha Dugsiiloow oo ku yaala yaala dhanka Koonfureed ee magaalada Baydhabo, waxaana ololahan mutudhawacnimada ah fuliyeey Isbitaalka Xayaat ee Magaalada Baydhabo.

Shaqaalaha isbitaalka Xayaat oo uu horkacayo agaasimaha Isbitaalka ayaa Kaamka dugsiiloow dhexdiisa waxaa ay ku qaabileen bukaano badan oo isugu jiro caruuro, waayeelo iyo haween uur leh iyagoona halkaa ugu samaeeyey baaritaano caafimaad kadibna ugu qeeybiyey daawooyin.

Maxamed Nuur Maxamed waa horjoogaha Kaamka Dugsiiloow waxaa uu ka mahad celinayaa daryeelka caafimaad ee lacag la’aanta ah ee Isbitaalka Xayaat ka fuliyey Kaamka uu gudoomiyaha ka yahay oo caruurta iyo dadka waa weyn  ku nool kaamkiisa heleen baaritaano iyo dawo lacag la’aan ah.

Warkan Waxaa noo heya Siid Ali Muuse Ateera

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here