Cilmi-baaris lagu ogaaday in Shaaha Sanjabiisha leh uu yahay Xanuun baab’iye

0
547

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Cilmi baaris la sameeyay ayaa lagu ogaaday in Shaaha Sanjabiilka lagu daray in uu yahay Xanuun baabi’iye uuna dawo u yahay xanuunka dumarka ku dhaca waqtiga Caadada, sidoo kale hammiga ragga ayey kor u qaadaa Sanjabiishu.

Haddii aad joogteysid cabista sanjabiisha faa’idoyin badan ayaad ka heleysaa Xusuusnoow in sanjabiilka aad ka dhigi kartid shaah adigoo ku darin caleenta shaaha.

Sanjabiishu waxa ay cafimaad badan tahay caleenta shaaha marka loo eego wax tarka ay u leedahay jirka, Halka caleenta shaaha laga helo fir fircooni dhanka maskaxada ah.

Maxaa faa’iido ah uu leeyahay shaaha laga sameeyo sanjabiika:

1- Sanjabiishu waxa ay hoos u dhigtaa miisaanka waxuu gubaa xeyrta cad ee jirka ku jirta.

2- Sanjabiishu waxa ay kor u qaadaa hamiga ragga, iyadoo kobcisa biyaha ragga.

3-Sanjabiishu waa xanuun baabi’iye qaasatan xiliga ay gabdhuhu ku jiraan dhiiga caadada, sida aan ognahay gabdhaha badanaa wey ku jiradaan dhiiga caadada iyagoo ka dareema xanuun saaid ah gumaarka, dhabarka iyo caloosha, xiliyadaas haddii ay isticmaalaan sanjabiilka iyo xanuun baabi’iyaha si uu ku daayo xanuunka waxeey dareemi karaan in ay bad qabaan oo aysan dareemeen Xanuun soo wajahaya

4- sidoo kale Sanjabiishu waxa ay waxuu yareysaa xanuunada ku dhaca murqaha, kala goysyada, lafa xanuunka iyo madax xanuunka.

5-waxa ay hoos u dhigaa stresska iyo walwalka iyadoo ka hortagta hurda la,aanta.
Cab koob shaah Sanjabiil ah habeenkii inta aadan seexan subixiina cab hal koob si jirkaada cafimaad taam ah u helo.

Fiiro gaar ah: Wax kasta oo gaas kugu kicinaya ka fagow hadii aad ka dareentid in uu gaas kugu kiciyey shaaha sanjabiisha leh jooji cabidiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here