Cabitaanada liinta oo qaali ay noqdeen caalamka

0
346

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Qiimaha cabitaanka liinta ee caalamka ayaa lagu soo warramayaa in uu sare u kacay boqolkiiba 20 bishan, xilli dad badan oo caalamka ay doonayaan in ay helaan cunto ama cabitaan waxtar u leh jirka oo ka difaaci kara fayraska corona.

Dalabka liinta ayaa sare u kacay, waxaana dhanka kale hoos u dhacay dalagyada beeraha ee liinta.

“Xanuunka corona wuxuu saameeyay beeraleyda soo saara liinta noocyadeeda kala duwan, gaar ahaan liin-bambeelmada iyo kuwii iibsanayay. Cabitaankan xoojiya difaaca jirka ayaa ah mid aadka loo daneynayo hadda, mana jiraan duullimaadyo ku filan oo suuq iyo dalalka caalamka geeya liinta,” ayuu yiri Stephen Innes, oo ah khabiir wax badan ka yaqaana suuqyada caalamka.

Beeraha soo saara liinta ayaa sidoo kale waxaa heysta dhibataa kale oo ah in aysan heysanin shaqaale ku filan oo ka shaqeeya soo saarka liinta, maadaama xayiradaaha lagu soo rogay dalal badan oo caalamka ay keentay in dad badan aysan shaqo tegin.

Qiimaha liinta ayaa sare u kacay tan iyo bishii Oktoobar ee sannadkii 2015, waxaana xilligan uu hoos u dhaca ku yimid suuqyada saamiyada ee caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here