Bulshada Soomaaliyeed oo Loogu Baaqay Nooca Dowlad ay Rabaan Dalkaan inuu Yeesho inay Wadadeeda Maraan si ay u gaaraan Rabitaankooda Dowladnimo

0
248

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Shacabka Soomaaliyeed oo baadi goob uga jara Mudu Sodon sano ah Dowlad Ku shaqeysa Rabitaankooda Hadana Wali way la,yihiin Sidee Bulshada ku heli karaan Dowlad Bulshada Siisa Adeegayada Baahida u qabaan iyo wadada looga baahanyahay Shacabka inay Maraan si ay u Helaan Himiladooda Waxaan Weydiinay Su,aashaan Agaasimaha Xarunta Cilmi Baarista Nabada iyo Daraasaadka Amniga Shekh Aweys Abdullahi Ibaraahim,islamarkaana kamid ah Culamada Ku nool Magalada Baydhaba wuxuu sheegaya in Marka Hore Bulshada ay dhabkatahay inay Helaan Dowlada Rabitaankooda Ku shaqeysa.

Agaasimaha Xarunta Cilmi Baarista Nabada iyo Daraasaadka Amniga Shekh Aweys Abdullahi Ibaraahim  wuxuu Talo wax ku ool ah u soo jeediyay Bulshada si ay U helaan Nooca Dowlad ay rabaan oo ah inay Hada Xulista Barlamaanka la keeno Dad Aqoonyahana Diini iyo Maadiba garanaya islamarkaana ka qeyb galaan kulamada loogu doodo Dastuurka Qabya Qoraalka Hada Dalka oo dhan kasocota.

Warkan waxaa noo heya Abdikadir Mohamed Nor Warcade

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here