Bulshada saameynta ku yeeshtay dhibaatada ayaxa oo loogu baaqay in aysan barakicin.

0
311

Baydhabo (Radio Arlaadi)- Bulshada beeraaleyda ee deegaanada koonfur galbeed ayaa waxey inta badan ay hadal hayaan dhibaatooyinka  uu ku hayo ayaxa, si la mid ah waxaa sanadkii 2017kii  markii ay abaarta ku dhufatey  beeraleyda deegaanka ayaa waxaa magaalada baydhabo soo gaaray barakacyaal fara badan kuwaasi oo inta badan qaar kood ilaa iyo hada ay degan yihiin xeriyaha barakacyaasha ee duleedka magaalada Baydhabo, sidaa darteeda ayaxgaan ayaa waxaa uu sameyn badan u geystey beraleyda iyo weliba xoola dhaqatada degaanka.

Waxaana iyadoo arintaasi laga duuleyo Abduqaadir sheekh adan baraka wasiir ku xigeenka wasaarada maareynta iyo masiibooyinka maamulka koonfur galbeed soomaaliya Radio Arlaadi uga warbixyey isagoo ka hadleya arimaha ayaxa iyo sida kaalin ay uga qaadan laheyd dowlada gaar ahaan wasaaradaha quseeya si beeraleyda loo dhiirageliyo.

Radio Arlaadi:- Rahma Salaad Abdullahi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here