Bukaannada qaba COVID-19 ee qaaradda Afrika oo kor u dhaafay 20,000 oo qof

0
257

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Tirada bukaannada qaba feyraska Korona ee Qaaradda Afrika ayaa gaartay in kabadan 20,000 oo qof.

War qoraal ah oo kasoo baxay xarunta la dagaallanka iyo ka hortagga cudurrada ee Afrika ayaa lagu sheegay in qaaradda laga diiwaan geliyay 20,270 bukaan oo qaaday feyraska Korona.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in dadka u geeriyooday xanuunka ee qaaradda ay Iyana tiradoodu tahay 1025 qof.

Waxaa intaa sii dheer in ay jiraan dad uu haleelay xanuunka, hase yeeshee ka bogsaday, kuwaas oo tiradooda lagu sheegay 4,700 qof.

Kal sii horreysay guddiga dhaqaalaha Afrika ee hoostaga Qaramada Midoobay ayaa warbixin uu soo saaray ku sheegay in dad ay tiradoodu u dhexeyso 300,000 ilaa 3.3 milyan oo Afrikaan ah ay suuragal tahay in ay u geeriyoodaan feyraska Korona haddii aanay dowladuhu qaadin tallaabooyin wax ku ool ah oo ay arrintaasi uga gaashaamanayaan.

Warbixinta ayaa intaa ku dartay in xukuumadaha Afrika ay u baahanyihiin 100 bilyan oo dollar oo ay ku daboolaan baahiyaha ka jira dhanka caafimaadka iyo waliba arrimaha bulshada.

Dalalka ugu badan ee qaaradda ee sida weyn ugu sii fiday feyraska Korona waxaa ka mid ah Koofur Afrika, Masar, Aljeeriya, Marooko, Tuunis, Burkinafaso iyo Kaamaruun.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here