Boqorka cusub ee dalka Cumaan oo lagu dhawaaqay.

0
339

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Haitham bin Tariq Al Saciid oo ay ilmo adeero ahaayeen Boqorkii Cuman ayaa loo dhaariyay in uu badalo Sultan Qaboos bin Saciid Al Saciid.

Haitham bin Tariq ayaa horey u ahaa wasiirka hiddaha iyo dhaqanka ayaa xilka loo dhaariyay ka dib markii ay kulan yeesheen golaha qoyska boqortooyada.

Dastuurka Cumaan ayaa wuxuu dhigayaa in qofka guuleysta uu u magacowdo qoyska boqortooyada sedex maalmood gudahood markii carshiga uu baneeyey.

Suldaanka waa inuu xubin ka ahaadaa qoyska boqortooyada, sidoo kale waa in uu ahaada “Muslim, qaan gaar, caqli gal ah.

Sultan Qaboos bin Saciid Al Saciid oo ahaa boqorkii dalka Cumaan ayaa geeriyooday, isaga oo ay da’diisu tahay 79 jir.

Sultan Qaboos waligii ma guursan, islamarkana Boqorka oo ahaa ninkii uu xukunkiisu ugu waqtiga dheeraa dunida Carabta ayaa geeriyooday isaga oo aan magacaabin ciddii badali lahayd.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here