Nin diirrimaad siiya qaxootiga ay Yurub diidday

0
235

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Ilaa 100 ayaa maalin kasta isku daya inay u gudbaan waddanka Hungary, iyagoo ka baxaya dalalka Serbia iyo Romania, arrintaas oo ay booliska ilaalada xuduudda ee Hungary ay u arkaan qulqul kale oo qaxooti ah.

Dowladda Hungary waxay milatarigeeda iyo boolis dheeraad ah u dirtay xadka, si ay dadkaas uga ilaaliyaan inay waddanka usoo gudbaan.

Hungari waxay darbi silig ka sameysan ku xeyndaabtay xuduudda ay la wadaagto Serbia. Waxaa siligaas la sameeyay ka dib markii ay dhaceen dhibaatooyinkii 2015-kii, xilligaasoo in ka badan hal malyan oo qaxooti ah – oo badankood ka barakacay goobaha dagaallada ka socdaan ee Bariga Dhexe – ay gaareen bartamaha qaaradda Yurub.

Qaar badan oo ka mid ah qaxootiga waxay isugu tageen magaalada xadka saaran ee Subotica, oo ka tirsan waddanka Serbia.

Waxaa wakhtigan oo qabowga xagaaga lagu jiro halkaas ku qandiciya baadari ka tirsan dadka kasoo jeeda Hungary ee looga tirada badan yahay gudaha Serbia.

Tibor Varga wuxuu diyaariyaa burjukooyin dab ah oo uu ugu talagalay inay dugsadaan qaxootiga dhaxamoonaya.

Burjukooyinkaas wuxuu ka sameeyaa qalabka dabka dhaliya ee gaaska ku shaqeeya.

Qalabkaas ayuu dib u habeyn ku sameeyaa isagoo ku shubaya ciid iyo waxyaabo kale oo dabka ku heynaya.

Marka uu gurigiisa kusoo diyaariyo ka dib ayuu kusoo riixaa waddo tareen oo aan la isticmaalin, si ay dadka qabowga dareemaya u isugu diiriyaan.

Burjuko kasta oo uu sameeyo waxaa culeyskeeda lagu qiyaasay 30 kiilo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here