Boqol Arday oo Baratay Xifdinta Qur’aanka oo Shahaadooyin lagu gudoonsiyay Iskuulka Kaafiye ee Magaalada Baydhabo

0
403

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Dugsiga hoose iyo dhexe ee kaafiye ee magaalada baydhabo ayaa maanta xarunta iskuulka lagu qabtay xaflad shahaadooyin lagu gudoonsinaayay ku dhawaad boqola ardey oo iskugu jireen wiilal iyo gabdho oo dhiganayeen qeybta barashada iyo xifdinta qu`aanka kamiimka oo in mudo ah soo wadeen barashada qu`aanka.
Xafladaan ardaraan shahadooyinka lagu gudoon sinaayay ayaa waxaa ka soo qeyb galay maamulka iskuulka, maclimiintii ardadaan soo bareen qu`aanka, walidiinii iyo masuulin kale oo lagu xasuumay xafdadaani.

Cabdi khaliif Maxamed Cusmaan maamulaha guud ee dugsiga hoose iyo dhaxe ee kaafiye oo xaflada kahadlay ayaa waxaa uu sheegay in waalidiinta caruurtooda manta ay ka qalan jibiyeen dugsiga kaafiye qeybtiisa barashada qu`aan ayaa maalin kula balamay in ay arki donaan caruurtooda oo dhameyeen barashada iyo xifdinta qu`aanka kariimka taasi manta ay dhacday, wuxuu u mahadceliyay maclimiintii kusoo dhabar adegeen in caruurtaani baraan qu`aanka kariimka.

Qaar kamid ah maclimiintii dadaalka badan soo galiyeen in ay ardadaan manta ay garaan heerkaani xifdinta qu`aanka kariimka ah ayaa waxay shegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin, waxayna timameen in wax lis baro ay ugu wanaagsan tahay qu`aanka kariimka oo ah hadalkii iyo qoolkii alle aaqiro iyo aduunyona lagu liibanaayo.

Halkan Hoose ka Dhageyso

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here