Beeralayda Gobalka Baay oo Diyaar Garow Ugu Jiraan Abuurka Xili Rokbaadka Guga

0
302

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Gudoomiyaha gudiga iskaashatada beeralayda gobolka baay Cabdi Nuur Maxamed Ibraahim oo marti ku ahaa barnaamijka beeraha ee raadiyo arlaadi ayaa waxaa uu kawarbixiyay in ka gudi ahaan ay wadaan dadaalo ku aadan sidii ay u wacyi-galin lahayeen beeralayda gobolka baay xili la guda galay guga oo ah xiligii beerashada beeraha.

Sidoo kale gudoomiyaha ayaa sheegay in beeralayda lasinaayay tababaro ku aadan sidii ay ugu faa`deysan lahayeen dhuulkooda madaamada fasalkii lasoo dhaafay qaarkood beerahooda wax fiican aysan ugu soo go`in, Madaama beeraha qaar ee kuyaleen gobolka baay uu galay ayaxa ayaa gudoomiye Cabdi Nuur Maxamed Ibraahim beeralayda waxaa uu kula taliyay in ay aqristaan qu`aan si alle ugu bad baadiyo aafooyinka iyo wixii lamid ah.

Warbixintan waxaa noo heya Siid Ali Muuse Ateera

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here