Barcelona oo isku dayday inay dib ula soo saxiixato Andres Iniesta

0
275

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Barcelona ayaa isku dayday inay Andres Iniesta kala soo wareegto kooxda Vissel Kobe bishii Janaayo ee aan ka soo gudubnay, sida warar soo baxaya ay sheegayaan.

Xiddiga qadka dhexe ee Spain ayaa ku biiray Barcelona isagoo 12 jir ah wuxuuna 22 sano ku qaatay kooxda ka hor inta uusan bixin bishii May ee 2018.

Intii uu joogay Camp Nou wuxuu ku guuleystay 35 koob, oo ay ku jiraan sagaal horyaal La Liga iyo afar billadood oo Champions League ah.

Iniesta ayaa ku dhow inuu xilli ciyaareedkiisii seddexaad la bilowdo Vissel Kobe wuxuuna durba ka caawiyay kooxda inay ku guuleysato Emperor Cup iyo Japanese Super Cup.

Laakiin sida laga soo xigtay “Sport” Barcelona ayaa isku dayday inay Iniesta ka soo celiso Japan iyagoo u soo bandhigay inay amaah kula soo wareegaan inta ka dhiman xilli ciyaareedka.

Sikastaba, Vissel Kobe ayaa diiday qorshaha Barcelona maadaama uu wali yahay qeyb muhiim ah oo ka tirsan kooxdooda.

Wareysi uu siiyay Barca TV, bishii tagtay hogaamiyaha Barcelona Quique Setien  waxa uu soo jeediyay in Iniest oo 35 uu jeclaan lahaa in mar kale uu ku soo daweeyo Nou Camp.

“Iniesta, inkasta oo uusan howlgab noqon! Waa laga yaabaa in aan dib u soo ceshano”.

Arlaadi Radio.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here