Arsenal oo Siin Doonin Mikel Arteta Lacag Uu Ku Galo Suuqa Kala Iibsiga Bishaan Janaayo

0
455

Baydhabo (Radio Arlaadi)- Tababaraha cusub  eeArsenal Mikel Arteta lacag badan gacanta looma gelindoono suuqa kala iibsiga bisha Janaayo, sida ay sheegayaan wararka soo baxaya.

Macalinka Gunners ayaa hore u soo jeediyay inuu jeclaan lahaa inuu ciyaartoy ku soo kordhiyo kooxdiisa laakiin waxa uu sii heysan doonaa ciyaartoyda haatan joogta kooxda.

Tababarihii hore ee Arsenal Unai Emery ayaa lacag badan ku qarashgareeyay suuqa kala iibsiga xagaagii isagoo 137 milyan ginni ku soo iibsaday shan ciyaaryahan oo cusub iyadoo William Saliba dib amaah loogu siiyay kooxdii laga soo iibsaday.

Arsenal lagama fileynin inay qarashgareyso lacag intaas gaareysa iyadoo kooxda ay rikoodhkeeda u jabisay Nicolas Pepe oo ay kula soo wareegeen 72 milyan ginni.

Laakiin sida ay sheegtay Sky Sports, kooxda Gunners lama filayo inay lacag kale oo badan qarashgareyso bisha Janaayo madaama ay miisaaniyadoodii wada isticmaaleen xagaagii.

Arteta ayaa dhawaan qirtay inuu jeclaan lahaa inuu la soo saxiido ilaa labo ciyaaryahan bishaan Janaayo si uu u sii xoojiyo Arsenal.

“Waxaan marka ugu horeysa u baahanahay in ciyaartoyda naga dhaawacan ay inoo soo laabtaan.” ayuu yrii Arteta.

“Ka dib waxaan u baahnaan doonaa hal ama labo ciyaaryahan. Laakiin waqti xaadirkaan waxaan diirada saarayaa inaan ciyaarta ugu fiican ka soo saaro ciyaartoyda aan heysto.”

Arsenal ayaa barbaro la gashay Bournemouth kulankii ugu horeysay ee Arteta ka hor inta aysan guuldarro 2-1 ka soo gaarin Chelsea.

Kulankii ugu danbeeyay Gunners waxay soo bandhigtay qaab ciyaareed fiican iyagoo 2-0 ku qaarjiyay kooxda Manchester United.

Radio Arlaadi:- Bishaar Mayow Muqtaar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here